2262 Views

RA’ISULWASAARAHA HADALHAYNTA BADAN!

RA’ISULWASAARAHA HADALHAYNTA BADAN!
____________________________________________________________________________

Toronto | 13 October 2020 | Soomaaliya kuma cusba Ra’isulwasaare madaxwayne magacaabo xilkana baarlamaanku ka qaado, xil ka qaadis ku timaada la xisaabtan Xukuumadda ku yimaada, waxaa kaloon cusbayn in madaxwayne & ra’isulwasaare uu isagu markii horeba magacaabay is qabtaan taasoo xil ka qaadis iyadana ku timaada laaluush ama is xulufaysi siyaasadeed sababta inuu marka ugu dambaysa xilka ku waayo ra’isulwasaaraha ama uu iscasilo, waxaa kale oo aan iyadana nagu cusubayn ra’isulwasaare xilka ka dega oo xilka sare ee madaxwayne u tartama kuna guulaysta.

Ra’isulwasaarihii ugu horeeyay Jamhuuriyadda Soomaaliya Allaah u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo muddo xilkiisii afarta sanno ahaa dhamaaday bishii June 1964 kedib markii dalka Soomaaliya loo dareeray doorashadii ugu horeeysay ee dowladaha hoose laguna soo xulayay Xildhibaannada baarlamaankii ugu horeeyay ay shacabka Soomaaliyeed doortaan oo isla sanadkaa la qabtay wuxuu mar labaad ka mid noqday xildhibaannadii baarlamaanka ee xisbigii leegada oo xilligaa ku guulaystay kuraas dhan 68 Kursi baarlamaan tiradiisu ahayd 123 kursi.

Madaxwaynihii xilligaas Allaah u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan oo muddo xileedkiisu ahaa 7 sanno kuma soo celin xilka Cabdirashiid oo markaa ahaa ra’isulwasaare aad u caan baxay kuna fiicnaa siyaasadda arrimaha dibedda wadammo badana ku xiray Soomaaliya ogaana Sharma’arke inuu yahay nin kasbaday waaya’aragnimo siyaasadeed magacna ku leh Soomaalida, laakiin wuxuu magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen(AUN) oo ka mid ahaa Xukuumaddii Cabdirashiid isagoo doonayay inuu bedelo wajiga iyo siyaasadda kuna dadaalayay inuu awood cusub ku soo kordhiyo maamulkiisa si uu ugu diyaargaroobo doorashada xigta ee xilka Madaxwaynaha.

Doorashadii ugu horeeysay Madaxwayne ee dalka ka dhacday July 1967 waxaa tartamay Madaxwayne Aadan Cadde & Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo garab wayn ka haystay xisbigii leegada iyo xisbiyaddii kale qaarkood doorasho qarsoodi ah una qaab eg tan maanta baarlamaanka federaalku qaab cod qarsoodi ah ku doorto madaxwaynaha iyadoo ra’isulwasaarahii hore Cabdirashiid uu noqday Madaxwaynahii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxwaynaha xilligan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ahaa ra’isulwasaarihii 14aad marka tirada Ra’isulwasaarayaasha Soomaaliya habkan loo qoro:

(MAAMULKII ISTICMAARKA GOBOLLADA KOONFUREED)1) Cabdullaahi Ciise Maxamuud(AUN).

JAMHUURIYADDII SOOMAALIYA WAXAA LOO QAYBIYAA:

(DOWLADDII RAYIDKA)

2) Cabdirashiid Cali Sharma’arke(AUN)

3) Cabdirisaaq Xaaji Xuseen(AUN)

4) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal(AUN)

(DOWLADDII MILETERIGA)

5) Gen. Maxamed Cali Samatar(AUN)

6) Maxamed Xawaadle Madar

(DOWLADIHII KU MEELGAARKA AHAA)

7) Cumar Carte Qaalib

8) Cali Khaliif Galayr(AUN)

9) Xasan Abshir Faarax(AUN)

10) Maxamed Cabdi Yuusuf

11) Prof. Cali Maxamed Geedi

12) Nuur Xasan Xuseen(AUN)

13) Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

14) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

15) Cabdiweli Cali Gaas

(DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA)

16) Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid)

17) Cabdiweli Sheekh Maxamed

18) Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

19) Xasan Cali Khayre

20) Eng. Maxamed Xuseen Rooble

Ra’isulwasaare Farmaajo waxuu ahaa Ra’isulwasaarihii ugu muddo xileedka yaraa Ra’isulwasaarayaashii dalka soo maray marka laga reebo ra’isulwasaaraha xilligan Eng. Maxamed Xuseen Rooble oo weli xilka haya isagoo xilka hayay 230 Cisho muddadii u dhaxaysay 1 November 2010 – 19 June 2011 ama 7 bilood iyo 2 usbuuc, laakiin hab qaldan xilka ku waayay isagoo loo cuskaday xil ka qaadistiisa dano gaar ah & quwado shisheeye dadkuna ku xusuustaan waqti yar uu joogay iyo waxqabad xoogaa dhanka ciidanka ah oo waagaa dalku aad ugu baahnaa aasaasidda dhisme ciidan, ra’isulwasaare hore Farmaajo wuxuu doorashadii xigtay isu sharaxay xilka madaxtinnimada Soomaaliya hasa yeeshee kuma guulaysan, afar Sanno kedib uu mar labaad isa soo sharaxayna wuxuu noqday madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya waana ra’isulwasaarihii Labaad ee xilka madaxtinnimada dalka qabta.

Ra’isulwasaarihii hore Xasan Cali Khayre waa ra’isulwasaarihii 19aad ee Soomaaliya ama ra’isulwasaaraha 4aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ahna ra’isulwasaaraha ugu xilka dheera 12-kii ra’isulwasaare ee xilkan soo qabatay tan iyo burburkii dowladdii dhexe, ra’isulwasaare Khayre wuxuu ahaa nin ka dhalinyar kana qaab duwan raggii ka horeeyay, wuxuu ahaa nin codkar hadal yaqaan ah cidda uu la hadlayana ay fahmi karto Soomaali ama Ajaaniib hadalkana aan la gaban.

Wuxuu ku caan baxay qudbooyin dhaadheer, hadallo dhaxalgal ah ereyo uu aad u soo xushana ka jeedin jiray goobo shacabku isugu soo baxaan ama munaasabadaha gaarka ah ee Soomaalidu xusto, wuxuu ahaa nin shaqo badan, socod badan, saqda dhexe habeen iyo maalina u kala soocnayn, dhextaga goobaha dhalinyaradu ku cawayso, booqda ciidammada heeganka ku jira lana sheekeeysta bulshada qaybaheeda kala duwan, ma ahayn ra’isulwasaare xafiiskiisa fadhiya waqtiga ugu badan, laakiin wuxuu ku dhowaa shacabka.

Xasan Cali Khayre wuxuu booqan jiray lana hadli jiray dhalinyarada Gobollada dalka goobo dadku soo buux dhaafiyaan, booqashooyinkiisa kuma koobi jirin madaxda degaannada ka arimisa taasoo soo jiidan jirtay da’yarta degaannada, wuxuu ahaa nin u dhaqma qaab dhalinta dhiirigelisa una arki jireen nin iyaga fahmi kara mararka qaarkoodna la ciyaara, la kaftama kulana shaaha goobaha ay ku kulmaan isagoo u muujin jiray inay yihiin milkiilayaasha dalka qaab ay fahmin karaana warka ugu sheegi jiray.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre wuxuu ahaa nin karti & hal abuur leh taasoo mucaaradkii ka soo horjeeday hogaamiye qaab dhaqan noocaan lihina ku cusbaa durbadiiba bilaabeen inay hadalladiisa, qaabka uu u socdo ama u lebisto iyo ereyada uu isticmaalo ku mashquuleen iyagoo ereyadiisa ku kajama maadaama aysan hore u arag hogaamiye ku dhiirada in Madaxwaynihiisa iyo isagu wada shaqayn xoogan ka dhexeeyso, tilmaama Musuqa & qaraabakiilka ka jira hay’adaha dowladda, qaabka xun ee loo maareeyo Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidammada ama ku dhiiraday inuu baaritaan wayn ku sameeyo tirada ciidanka saxda ah ee howlgala, kuwa magacyada badan ku diiwaangashan, kuwa maqan laakiin diiwaan gashan mushaarna ku qaata magac aan waligiis soo xaadirin xero ciidan, islamarkaana si cad u ifiyay jiritaanka dadka howlahaas fuliya.

Waxyaabaha lagu xusuusto xukuummadii ra’isulwasaare Khayre waxaa ka mid ah qaabka hufan ee nidaamka maaliyadda iyo kor joogtaynta shaqaalaha(SMP) ay u maaraysay taasoo ay ku guulaysatay markii ugu horaysay inay wadahadal la gasho hay’adda lacagta aduunka (IMF) iyo bankiga aduunka( World Bank) kana faa’iidaystay hindisaha lagu caawiyo dalalka saboolka ah ee aan daynta iska bixin karin ee loo yaqaano HIPC(Heavily Indebted Poor Countries) oo ah jid lagu gaaro shuruudo adag oo laga gudbo.

Waxaan shaki ku jirin qalad ka yimaada masuul xil haya waayo nin aan wax qaban wax ma qaldo, laakiin nin xil qaran ummad ka qabta oo aan wax qaldin taariikhda kuma hayno nin wax badan qabtana wax badana waa saxaa waxna waa qaldaa, laakiin waxaan shaki ku jirin in ra’isulwasaare Xasan Khayre ay ka badan tahay inta uu qabtay qayb yar uu qalday taasnoo ay marqaati ka tahay isbedelka wayn uu ku sameeyay nidaamka qaybtii uu isagu hogaanka u hayay oo muuqata sababtayna hadalhayntiisu inay ka badan tahay intii xilkan culus ee noocaan ah hore u soo qabatay iyadoo shacabka Soomaaliyeed la socdeen qaabkii sharcidarrada ahaa ee xilka baarlamaanku uga qaadeen.Dalka Soomaaliya oo muddo 30 Sanno ah weli hanan dowlad adag oo sharcigeedu ka fulo dalka waxay dadku la qabsadeen qaab dhaqankii dagaaladii sokeeye iyo in siyaasaddu tahay ku kala adkaansho kuna dhaliila ama ku amaana madaxda xilalka sare qabata midba qaabka uu ugu dhaqmo qabyaaladda midkii reerkiisa u xagliyana qolada kale ku sheego mid qabyaaladaysan qoladiisuna ku amaanto, laakiin Xasan Cali Khayre waxaan hubaa inuu ahaa ra’isulwasaare Soomaaliyeed oo aan lahayn dhaqankaas laga dhaxlay dagaalladii sokeeye dadka Soomaaliyeedna ugu shaqeeyay xilkii uu u hayay qaab Soomaalinimo ka muuqatay kana doorbiday intii uu u soo shaqeeyay qaranka inuusan ku doorbidin ku burburin dantiisa shaqsiga kuna xifaaltamin xilkiina uga degay si ay dadka Soomaaliyeed si wayn u soo dhaweeyeen.

Tan iyo markuu xilka ka degay Xasan Cali Khayre waxaa jiray hadallo badan oo beenabuur & dacaayado ah oo la isla dhexmarayay maadaama uu ahaa ra’isulwasaare ka gaabsaday inuu dhaliilo dowlad uu ka soo shaqeeyay shaqadii ugu badnaydna ka soo qabtay ku dhowaad 179 Usbuuc xilka dowlad loo igmado 208 Usbuuc inay talada wadanka qabato 4-tii Sanaba mar ogaana xilka wayn ee masuul qaran saaran, waxaa kaloo caado noqotay inay baraha bulshada ku soo qufaan wax walba oo ay karaan ee wax u dhimi kara masuul ka mid ah masuulyiinta ugu caansan uguna miisaanka culus maanta dalka Soomaaliyana xil sare ka qabatay lagana yaabo maalin maalmaha ka mid ah inuu noqdo ra’isulwasaarihii 3aad Soomaaliya ee loo dhaariyo xilka Madaxwaynaha qaranka.

Faallada Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post