552 Views

Zelensky oo Mareykanka uga mahadceliyay “taageerada aan horay loo arag”

Zelensky oo Mareykanka uga mahadceliyay “taageerada aan horay loo arag”
____________________________________________________________________________

isniin: April 25, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa uga mahadceliyey Mareykanka taageerada “aan horay loo arag” ee Ukraine, Sida laga soo xigtay madaxtooyada Ukraine, wuxuu hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin, oo booqasho ku yimid Ukraine.

Zelensky wuxuu yiri: “Waan ka mahadcelineynaa kaalmada aan horay loo arag ee Mareykanka uu u fidiyay Ukraine.

Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Madaxweyne Biden shaqsi ahaan, hoggaankiisa ku aaddan taageerada Ukraine iyo mowqifkiisa gaarka ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Mareykanka, iyo sidoo kale Congress-ka taageeradooda labada aqal iyo labada xisbi, waanu aragnaa, waanu dareemaynaa.” Ayuu yiri.

Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadlay caawinaad dheeri ah oo dhanka difaaca ah, xoojinta cunaqabateynta saaran Ruushka, taageerada dhaqaale ee Ukraine iyo dammaanad qaadka amniga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post