501 Views

Madaxweynihii Dalka Guinea Bissau oo la Afganbiyay Xabsina La dhigay

Madaxweynihii Dalka Guinea Bissau oo la Afganbiyay Xabsina La dhigay
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 2, 2022

Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya caasimadda dalka Guinea Bissau ee Bissau rasaas xooggan ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada dalkaas xilli ay shir ku jireen Madaxweynaha dalkaas Cumaro Embalo iyo Ra’isul Wasaarihiisa Nuno Gomes Nabiam.

Hal askari ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay rasaasta iyada oo ciidamoka tirsan milateriga ay hareereen ku sameeyeen dhismaha oo la arkayay dad ka cararaya.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya Madaxweynihii dalkaas iyo qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada la xiray, iyadoo loo badinayo in wadankaasi uu ka dhacay afgambi militery.

Xaalada Magaalada Bissau ayaa cakiran, iyadoo ciidamo ka tirsan milateriga lagu arkayo wadooyinka magaalada iyo hareeraha madaxtooyada Qaranka sida ay baahisay wakaalada wararka ee RUETERSL

Dalalka galbeedka Afrika ayaa waxaa ku soo badanayay bilahan afgembiga ay sameynayaan ciidamada milateriga, iyadoo dalka Guinea Bissau dalka afraad ee todobaadyo gudahood uu ka dhaco afgembi

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post