951 Views

Xildhibaan sheegay in Ciidamada Janan khalqal Amni ka wadaan Mandheera

Xildhibaan sheegay in Ciidamada Janan khalqal Amni ka wadaan Mandheera
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Mandheera, Cumar Maxamed Macallin, ayaa BBC-da u sheegay in ay dadka deegaankiisa ay cabsi soo foodsaartay, kaddib markii qeyb ka mid ah magaalada ay fariisimo ka dhigteen ciidammada wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan).

 

Xildhibaan Cumar ayaa waxa uu dowladda Kenya ku eedeeyay inay fariisin siisay ciidammada Cabdirashiid Janan, arrintaas oo uu sheegay in ay halis gelinayso amniga deegaanka isaga laga soo doortay ee Bariga Mandheera.

 

“Haddii wadada aad marayso aad ku aragtid dad iyo baabuur hubaysan waa arrin xun, hase ahaatee meesha ma ahan Soomaaliya oo waa Kenya dhexdeeda, marka ciidan aan Kenyan ahayn oo waddankoodii ka soo carayay ayagoo qoryahoodii wata oo ay la yimaadaan Kenya wax adduunka ka dhaci kara ma ahan.” Ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “Haddii ciidan waddan kale uu ka soo cararo, waddan kale markii uu soo galo sida nidaamka ah waxaa waaye in qoryaha iyo hubka waxa ay wateen ay dowladda Kenya ku wareejiyaan ee ma ahan in xero la dajiyo oo shacabka dhexdiisa ah

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment