993 Views

G-7 oo isku raacay in shirkadaha tiknoolojiyada laga qaado canshuur gaareysa 15%

G-7 oo isku raacay in shirkadaha tiknoolojiyada laga qaado canshuur gaareysa 15%
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Koox ka mid ah dalalka ugu qanisan adduunka ayaa Sabtidii gaaray heshiis taariikhi ah, kaas oo dhigaya in canshuur isku mid ah laga qaado shirkadaha waaweyn ee dhanka tiknoolojiyada ee caalamiga ah.

Kooxda G-7 ayaa sheegay inay taageeri doonaan heerka ugu yar ee canshuurta shirkadaha waaweyn ee dunida, taasoo ah in laga qaadi karo hadda kaddib canshuur dhan 15%, ayna dejiyaan tallaabooyin lagu hubinayo in shirkadaha tiknoolojiyada dalalka ay ka howlgalaan ay siiyaan canshuurtaas.

Wasiirka maaliyadda Britain Rishi Sunak oo ka mid ahaa wasiirada maaliyadda dalalka G-7 ee maanta sida fool-ka-foolka ah ugu kulmay magaalada London ayaa sheegay in sanado badan oo wadahadal ah kaddib ay dalalka hodanka ah maanta ka gaareen heshiis taariikhi ah si loo qaabeeyo nidaamka canshuuraha dunida.
Shirkadaha waaweyn ee tiknolojiyada ee caalamiga ah, sida Amazon, Facebook iyo Google ayaa si aanan caadi aheyn uga faa’iida dalal badan oo dunida ah, iyaga oo bixiya canshuur aad u yar, dalalka qaarna aysanba wax canshuur ah bixin.

Fulinta heshiiskaan caalamiga ah ayaa lagu wadaa inuu dhaqan galo bisha soo socota

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post