804 Views

Maleeshiyadka TPLF oo sheegtay in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah Dessie ee gobolka Amhara ee dalkaasi Ethiopia.

Maleeshiyadka  TPLF oo  sheegtay in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah Dessie ee gobolka Amhara ee dalkaasi Ethiopia.
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Amhara ee dalkaasi Ethiopia.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo wakaaladda wararka ee Reuters kula hadlay telfoon satellite ah ayaa sheegay in ciidankoodu uu kuwa dowladda ka saaray magaalada Dessie ayna ku sii wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Waxa uu sheegay in ciidanka TPLF uu gacanta ku dhigay askar ka tirsan ciidamada Ethiopia.

Afhayeenka dowladda Ethiopia, Legesse Tulu, ayaan ka jawaabin codsi ah in uu sheegashada TPLF ka hadlo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay warisay in aysan xaqiijin karin sheegashada TPLF.

Agaasime iskuul ku yaalla Dessie ayaa sheegay in uu arkay ciidamada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah, waxayna u bexeen dhanka magaalada Kombolcha, isagoo sheegay in korontadu ay magaalada ka go’an tahay ilaa Jimcihii.

La wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan gobolka Amhara.

Magaaladan ayaa ilaa 385 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, waana magaaladii ugu xaggeysa dhanka koonfurta ee gobolka Amhara ee TPLF ay gaarto tan iyo markii ay gulufkan ku bilowday gobolkan bishii July.

REUTERS + VOA

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post