990 Views

DEG DEG:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo xilkii laga qaaday

DEG DEG:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo xilkii laga qaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2019–-Waxaa Maanta kulan aan caadi aheyn Xaruntooda Magaalada Garoowe ku yeeshay Xubnaha Golaha Wakiilada puntland oo uu horyaallay mooshin ka dhan ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

 

Xildhibaannada ayaa dood dheer ka yeeshay mooshinka oo ay saxiixeen 44 Mudane,waxaana kulanka ku sugnaa 53 Mudane, iyada oo Xildhibaannada ay xilkii ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed.

 

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen  53 mudane ayaa waxaa aqbalay xilka qaadista guddoomiyaha 49 Xildhibaan, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay.

 

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa kulanka ka sheegay in xilka qaadistaan ay tahay Sharci, kadib markii Guddoomiyaha uu ku tuntay Sharciga iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Puntland.

 

Warraka kusoo kordha kala socda WWW.Radiorisaala.com.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment