1149 Views

Baabuur siday gargaar oo ku xayirneyd gobolka Canfarta oo gaaray Tigray

Baabuur siday gargaar oo ku xayirneyd gobolka Canfarta oo gaaray Tigray
____________________________________________________________________________

Sabti: July 30 2021

Barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in tiro kamid ah gawaarida xamuulka oo siday gargaar ay ugu dambeyntii gaareen magaalada caasimadda ah ee Mekelle halkaas oo ay saameeyeen dagaallada ka socda gobolka Tigray.

Baabuurtan gobolka u siday gargaarka ayaa ku go’doonsaneyd gobolka Canfarta halkaas oo ay dagaallo ay ka socdeen.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii la weeraray baabuur xamuul ah oo gargaar raashiin ah u siday boqolaal kun qof oo ay macluul soo wajahday kuwaas oo ku nool gobolka.

Qaramada Midoobey waxay horraan ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan gobolka Tigray si looga hortago suurtagalnimada ah in macluusha ay si ba’an u saameyso shacabka Tigray.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post