786 Views

Booliska Mareykanka oo fashiliyay weerar lagu qaadi rabay xarunta codbixinta Philadelphia

Booliska Mareykanka oo fashiliyay weerar lagu qaadi rabay xarunta codbixinta Philadelphia
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 06, 2020 –
Booliska Mareykanka ayaa xiray labo nin banaanka hore ee xarunta codbixinta ee Philadelphia oo ku taal Pennsylvania sidda ay shaacisay warbaahinta.

Tirinta codadka ayaa wali ka socota afar gobol oo muhiim ah maalmo kadib codbixintii Talaadada, iyadoo Dimuqraadiga Joe Biden uu wali ku kalsoon yahay qabashada xilka madaxtinimada.

Trump, oo si ciriiri ah uga horeeya Pennsylvania, wuxuu sameeyay sheegashooyin aan la xaqiijin oo ku saabsan musuqmaasuqa codbixinta ee goboladaan muhiimka ah.

“Waxyar kadib 10-kii habeenimo (0300 GMT) laba nin ayaa lagu xiray banaanka Xarunta Shirarka ee Philadelphia halkaas oo tirinta codadka ay ka socoto waxay qorsheynaayeen weerar” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliska.

Raggaan ayaa ka mid ahaa rag hubeysan oo khamiistii la shaaciyay in ay ku wahan yihiin xarunta codbixinta gobolka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post