1860 Views

Sawirro:-Amaro Kasoo Baxay Kulan Uu Shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre

Sawirro:-Amaro Kasoo Baxay Kulan Uu Shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Shirka Toddobaalaha ah ee tubta arrimaha bulshada oo maanta uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka.

Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashanka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxara Cadde ee degmada Hiliwaa.

Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashinka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo.

Amarka tubta arrimaha bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment