1080 Views

Musqul buu galay balse mas baa ka soo qaniinay

Musqul buu galay balse mas baa ka soo qaniinay
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Nin reer Austria ah ayaa ka sheekeeyay argagaxa uu la kulmay markii uu mas dhererkiisu yahay 1.6mitir uu qaniinay isagoo ka soo dhexbaxay suuligiisa.

Ninka oo la yirahdo Walter Erhart oo 65 jir ah ayaa arkay maska oo ah nooca abeesada la yiraahdo markii uu qaniinay ka dib.

Maskan wuxuu ka baxsaday guriga deriskiisa, halkaas oo lagu hayo 10 mas oo kale.

“Waxaan aaday suuliga, nalka ayaan shiday sidii caadiga ahayd waxaan ku fariistay fadhiga suuliga ka dibna waxaan dareemay inay wax i qaniineen.”

Nasiib darro Walter Erhart waxaa qaniinay mas kaga yimid darsikiisa oo ah nooca jibisada ah ka dib markii uu ka soo baxsaday oo uu soo maray tuubada bullaacadda.

Walter oo sharraxaya ayaa sheegay inay jibisada isku weereejisay fadhiga suuliga. Isagoo ka sii sheekeynayaa qaabkii loo qaniinay ayuu yiri:

Waxaan arkay dhiig qeybta fadhiga ku yaalla, markaas ayaan xaqiiqsaday in maska uu i qaniinay.”

Walter oo la weeydiiyay in markii hore uu arkay maska iyo in kale ayaa yiri: “Maya, waxaan ogaaday oo keliya markii aan qaniinyada dareemay.”

Werner Stagl oo ka takhasusay xawaanaadka ayaa sheegay in ka dib dhacdada maska uu doonayay inuu dib ugu noqdo gudaha tuubada bullaacadda.

Milkiilaha maska ayaa waxa uu 11 mas ku dhaqaaleeyaa guriisa oo la daris la ah Walter, waxaana suurogal inuu wajaho eedeymo la xiriira dhiibatada uu maskiisa u geystay Walter.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post