399 Views

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Iran oo ku burburtay gobolka Isfahan ee bartamaha dalkaasi.

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Iran oo  ku burburtay gobolka Isfahan ee bartamaha dalkaasi.
____________________________________________________________________________

 

Sabti: June 18, 2022

 

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Iran ayaa ku burburtay gobolka Isfahan ee bartamaha dalkaasi.

Duuliyaha diyaaradda ayaa lagu soo waramayaa inuu ka badbaaday shilka, islamarkaana uu soo gaaray dhaawacyo fudud.

Wakaalada wararka ee Iran ayaa sheegtay in diyaarada F-14 ay burburtay kadib cilad farsamo oo ku timid.

Waa diyaaraddii seddexaad ee uu leeyahay militariga Iran oo uu burbur soo gaaro sanadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post