474 Views

Laba duuliye oo u shaqeynayey ee Ethiopian Airlines, oo shaqadii laga joojiyey

Laba duuliye oo u shaqeynayey ee Ethiopian Airlines, oo shaqadii laga joojiyey
____________________________________________________________________________

Sabti: august 20, 2022

Laba duuliye oo u shaqeynayey ee Ethiopian Airlines, oo yimid halkii ay ku wajahnaayeen, iyagoo weli ku socdaalaya in ka badan 30,000 oo fuudh hawada, ayaa shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ka joojisay shaqada.

Warkani ayaa waxaa sheegay sarkaal ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, iyadoo sargaalku uu intaa ku daray in laga hakiyay shaqadii ay hayeen labada duuliye, si ay looggu gogol xaaro baaritaannada, kadib markii ay diyaaradda duulimaadkoodii, ay si ku meel gaar ah u lumisay xiriirka hawada ee qeybta laga xukumo diyaaradaha ee garoonka magaalada Addis Ababa Talaadadii, 15-kii bishan Ogosto.

“Diyaaradda markii dambe si badqab leh ayey u degtay, kadib markii isgaarsiintii dib loosoo celiyay, shaqaalihii ay khuseysay waa laga saaray howlihii ay ku jireen, inta baaritaanno dheeri ah lagu sameyn doono.

Waxaa la qaadi doonaa tallaabo waliba oo wax lagu saxayo, oo ku habboon maxsuulka baaritaanka. Badbaadadu weligeed waxay ahayd, sii ahaanna doontaa mudnaantayada koowaad. ” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ethiopian Airlines.

Si kastaba ha ahaatee, laguma xusin warbixinta wararka sheegaya in duuliyayaashii diyaarada ay hawada ku seexdeen.

Jariidadda The Aviation Herald, ayaa sheegtay in duulimaadkii 343, ee diyaaradda Boeing 737-800 oo la rabay inay ku soo degto Garoonka Bole ee Addis Ababa, ay dulmartay halkii ay ku socotay.

Waxaa kaloo la sheegay in digniino loo diray markii diyaaraddu ay kusoo dhawaatay garoonka caalamiga ah 15-kii Ogosto, balse aysan ka jawaabin farriimahaas, si ay u soo caga dhigato.

Hanaanka is wadista duuliyaha ee diyaaradda, ayaa lagu soo waramay in diyaaraddu iskeed ugu socotay, illaa iyo 37,000 fuudh, oo u dhiganta 11,200m.

Xog laga helay nidaamka ilaalinta duulista hawada ee Addis Ababa, ayaa xaqiijisay dhacdadan, taasoo muujinaysa in diyaaraddu ay dul martay dhabihii diyaaradaha ay kusoo dagayeen, balse ay ku guulaysteen inay mar kale soo caga dhigato, taasoo ugu danbeyntii sahashay inay si nabad ah ku degto diyaaradda.

“[Qeybta maamulka hawada] waxay isku dayday inay la xiriirto shaqaalaheeda marar badan, waana ku guul dareysatey,” Aviation Herald ayaa sidaasi werisay.

Waxay intaa ku dartay in kadib markii ay dulmartay diyaaradda dhabbaha diyaaraduhu, markaas oo ay ku socotay xawaare gaaraya 37,000 fuut, nidaamka autopilot-ka ayaa go’ay, ka gadaalna waxaa shidmay qeybta qaylo-dhaanta, taasoo keentay in duuliyayaasha ay hurdada ka kacaan.

Sida laga soo xigtay Skybrary, oo ah bar online ah, oo lagu kaydiyo aqoonta badbaadada hawada, ayaa diyaaradaha casriga ah sida Boeing 777, waxay bilaabaan inay kasoo degto joogga sare ee ay ku socoto, isla markaana waxay dhintaa xawaaraha duulimaadka, marka ay u jirto 160 kiiloomitir garoonka diyaaradaha.

Hadafku waa in si tartiib tartiib ah loo yareeyo xawaaraha, si ay diyaaradu ugu beeganto dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan kuna dagaan, iyadoo ku socota xawaare dheeli tiran leh oo ay ku degi karto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post