960 Views

Midowga Afrika oo ciidamada AMISOM ku amray inay dhexdhexaad ka noqdaan dagaalka u dhaxeya dowladda iyo musharixiinta mucaaradka

Midowga Afrika  oo  ciidamada  AMISOM  ku amray inay dhexdhexaad ka noqdaan  dagaalka u dhaxeya dowladda iyo musharixiinta mucaaradka
____________________________________________________________________________

Feb: 19/2/2021

Midowga Afrika  ayaa ciidamada  AMISOM  ku amray inay dhexdhexaad ka noqdaan xiisadda dagaal ee u dhaxeysa dowladda iyo musharixiinta mucaaradka, isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay si in ay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay fareen in ciidamada AMISOM ku ekaadaan waajibaadkooda ee la siiyay sida ilaalinta, hantida AMISOM, Goobaha ay ilaaliyaan iyo madaxtooyadda Soomaaliya. Haddii awood looga maarmi waayana ay eegaan howsha macquulnamadeeda.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post