873 Views

Ciidamada Israa’iil oo weerar ku dilay Dad Shacab ah

Ciidamada Israa’iil oo weerar ku dilay Dad Shacab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 26, 2021–Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la haysto,ka dib markii ay halkaasi ka fuliyeen weerarro  milateri.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Falastiin Mohammad Hleil, ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid tuulada Biddu oo dhacda waqooyi -galbeed ee Qudus, waxaana magacyadooda lagu sheegayAhmad Zahran, Mahmoud Hmaidan iyo Zakariya Badwan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay qof deggan tuulada Burqin oo dhacda  koonfur-galbeed magaalada Jenin,kaas oo isna lagu magacaabi jiray Osama Soboh oo 22-jir ahaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerareen Burqin iyo Beit Anan,halkaas oo ay ku dileen laba ruux.

Iska hor imaadyo ayaa dhexmaray Falastiin iyo ciidamada Israa’iil,waxaana  la sheegay in sidoo kale ciidamadaasi ay dhaawaceen shan ruux.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post