1035 Views

Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii Xildhibaanimo ka qaaday C/Xakiin Dhoobo-Daareed

Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii Xildhibaanimo ka qaaday C/Xakiin Dhoobo-Daareed
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiiladda Puntland, iyada oo la horgeeyey mooshin xasaanad ka qaadis ah oo ka yaallay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed.

 

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay mooshinka oo ay kasoo gudbiyeen 38 Mudane,waxaana kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 40 Mudane u codeysay in xasaanada Xildhibaanimo laga qaado Dhoobo-Daareed 39 Mudane halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

 

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaanan kamid aheyn dadka codeeyey,waxaana la sheegay in uu ka aamusay kulankii Maanta ee xasaabada xildhibaanimo looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed.

 

Xildhibaannada mooshinka ka keeney Cabdi xakiin Doobo-daareed ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in uu ka xad gudbay Dastuurka iyo Soohdimaha Maamulka Puntland.

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed oo maalmihii la soo dhaafay Kulamo siyaasadeed ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa haatan ku sugan dalka Itoobiya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment