534 Views

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo sheegay in Somaliland ay joojineyso wada-hadalladii Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo sheegay in  Somaliland ay joojineyso  wada-hadalladii Somalia
____________________________________________________________________________


Isniin: January 24, 2022

Somaliland ayaa sheegtay inay joojin doonto wada-hadallada kala dhexeeya Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay inaanay madaxda Soomaaliya diyaar u ahayn inay midho dhalaan wada-hadalladu.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamud ayaa wareysi uu siiyey VOA kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ethiopia, dekedda Zaylac, Xiriirka Taiwan iyo Somaliland iyo dooddii dhawaan uu Baarlamanka UK ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamud ayaa waxa uu u muuqdaa mid looga jawaabayo hadalka ka soo yeeray Dowlada UK oo diiday gooni isku taaga maamulka Muuse Biixi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post