702 Views

Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF ee Puntland oo xalay lagu dilay Garoowe.

Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF ee Puntland  oo xalay lagu dilay Garoowe.
____________________________________________________________________________

khamiis: September 30, 2021

 `

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF ee Puntland  laguna  magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan xalay lagu dilay duleedka caasimadda Garoowe.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa.

Dilka ayaa ka dhashay kadib markii muran dhex maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo isna gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale arintaan ayaa  ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ilaalada madaxweyne Deni Garoowe ku dileen gabar dhalinyaro ah kadib markii ay rasaas huwiyeen gaarigii ay saarnayd.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post