1551 Views

Garoonka Diyaaradaha Israa’iil oo loo xiray cabsi laga qabo gantaalada ay soo ridaan Ururka Hamaas..

Garoonka Diyaaradaha  Israa’iil oo loo xiray cabsi laga qabo gantaalada ay soo ridaan  Ururka Hamaas..
____________________________________________________________________________

Mayay 12 2021

Waxaa sare u sii kaceysaa xiisadda ka dhex taagaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay faraha ka baxdo.

In ka badan 1,000 gantaal ayay dagaalyahanada Falastiin ku rideen Israa’iil 38 saacadood ee lasoo dhaafay kuwaas oo inta badan ku dhacay magaalada Tel Aviv, sida ay sheegtay Israa’iil.

Halka Israa’iil ay duqeymo dhowr ah ka fulisay marinka Qaza.

Gegida diyaaradaha ee Ben Gurion ayaa muddo kooban hakiyay duulimaadyada halka uu khasaare soo gaaray dhuun shidaal oo ku taalla meel u dhexeysa magaalooyinka Eilat iyo Ashkelon.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha socda.

Sidoo kale Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadib gantaallada ay kusoo weerareen Israa’iil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post