867 Views

Xildhibaano caan ah iyo Siyaasiyiin ka soo muuqan doona Golaha Wasiirada Galmudug

Xildhibaano caan ah iyo Siyaasiyiin ka soo muuqan doona Golaha Wasiirada Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah u soo xoogeysanayay warar sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka mid noqon doonaan Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug.

 

Warar lehelaya   ayaa sheegaya in Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ahaa xildhibaannadii mucaaradka ee Baarlamaanka Federaalka ay ka soo muuqan doonaan Golaha Wasiirada Galmudug.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Axmed Fiqi loo magacaabi doono xilka Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug.

 

Axmed Fiqi oo horay u soo noqday Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka, waxaa la sheegaa inuu khibrad dhanka ciidamada u leeyahay, sidaas darteed xilka amniga dowlad goboleedka Galmudug uu aad uga soo bixi karo, marka loo eego xaalada deegaanada Galmudug.

 

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa isna lagu wadaa in loo magacaabo Wasiirka Dekedaha iyo Kheyraadka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu hormuud u noqon doonaa qorshaha dhismaha Dekeda Hobyo oo dhowr jeer la sheegay in la dhisayo mas’uuliyiin kala duwan ay dayactireen.

 

Mr Saabir ayaa ahaa Ganacsade inta aanu ku soo biirin siyaasadda ama aan loo dooran Xildhibaan sanadkii 2016, dadka aadka ugu dhow waxay sheegaan in haddii xilkaas loo magacaabo uu aad uga soo bixi karo howsha uu hormuudka u noqon doono oo ay ka mid tahay taabagelinta dhismaha Dekeda Hobyo.

 

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya haddii ay suura gasho in Xildhibaannadan iyo xubno kale oo dowladda Federaalka ka tirsanaa in wasiiro looga magacaabo Galmudug taariikh cusub qormi doonto in xubno xilal ama ku jira Baarlamaanka Federaalka inay xilal ka qabtaan dowlad goboleed, waxaana loo arkaa tallaabo horay loogu qaaday in xubno saameyn leh inay hormuud u noqdaan dhismaha deegaankooda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment