324 Views

Gudoomiye Cali Jayte oo Lacag uu Horay u Balan Qaaday ku wareejiyay Askar Amiiro Alshabaab ah Soo Dilay

Gudoomiye Cali Jayte oo Lacag uu Horay u Balan Qaaday ku wareejiyay Askar Amiiro Alshabaab ah Soo Dilay
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas kula wareejiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad Xds oo shalay howlgal qorsheeysan oo aay ka fuliyeen degmada Moqokori ku dilay 2-xubnood oo kamid ah. Maleeshiyada aragagexesada alshabaab

2-Askari oo filay howlgalkaasi ayaa gacanta loo galshay lacagtii uu horay ugu ballan qaaday guddoomiye Jeyte ciidanka xds iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka.

Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka ka tirsan xildhibaanno baarlamaanka Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidaan maamulka degmada Maxaas iyo Boqolaal dadweyne ah ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lacagta lagu gudeensiinayay labada askari ee katirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed oo maalintii shalay jowlgal qorsheeysan ay kuqaarijiyeen laba xubnood katirsan maleeshiyada qawaarijta ee aragagexesada alshabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post