1875 Views

DEG DEG:-Madaxweynaha Suudaan Oo Is Casilay

DEG DEG:-Madaxweynaha Suudaan Oo Is Casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 11, 2019 – Madaxweyne Cumar Xsaan Albashiir oo talada dalka Suudaan hayey muddo 30-sanno ah ayaa la sheegay inuu iss-casilay, kadib, markii ay Saraakiisha Milliteriga ku cadaadiyeen inuu xilka ka dego.Is-casilaadiisa ayaa u muuqata Talaabo ay Milliteriga ku doonayaan inay ku dhisaan Gole Milliteri oo Ku-meel-gaar ah oo la wareega Talada dalka.Ilo ka tirsan Dowladda Suudaan iyo Wasiirka Wax-soo-saarka iyo Kheyraadka Dhaqaalaha ee Gobalka Daarfuur, Caadil Maxjuub Xuseen oo la hadlay Telefishinka Al-xadath ee xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda dalka Imaaraadka Carabra ee Dubai ayaa sheegay inuu Madaxweyne Xilka ka degay, isla markaana ay socdaan La-tashiyadda  sidii loo magacaabi lahaa Gole Milliteri

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in ay Milliteriga xilka ka tuureen Madaxweyne Al-bashiir oo 75-jir ah, iyadoo Ilaalo xooggan laga hayo Guriga Madaxtooyadda.

Telefishinka Dowladda Suudaan ayaa sheegay inay Milliteriga sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqi doono  Bayaankooda Koowaad oo muhiim ah, iyadoo  ciiddamo badan la dhigay nawaaxiga Dhismaha Wasaaradda Difaaca iyo waddooyinka muhiimka iyo Buundooyinka ku yaalla caasimadda dalkaasi.

Dhinaca kale, Telefishinka iyo  Idaacadda Dowladda suudaan waxay joojiyeen dhamaan Barnaamijyaddii caadiga, waxayna sii daynayaan Heesaha iyo Muusikadda Waddaniga ee muujinaysa inuu Isbedel ka dhacay daalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment