777 Views

Ciidamadii badbaado Qaran oo bishii hore soo galay Muqdisho oo caawa u dhaqaaqay qaarkood Sh.hose iyo Sh.dhexe

Ciidamadii  badbaado Qaran oo bishii hore soo galay Muqdisho oo caawa u dhaqaaqay qaarkood Sh.hose iyo Sh.dhexe
____________________________________________________________________________

May 6-2021

Waxaa goordhow  oo caawa ah magaalada Muqdisho ka shiraacday oo ka dhaqaaqay ku dhawad 30- gaadiidka dagaalka ah oo maalmihii la soo dhaafay soo galay magaalada Muqdisho iyo kuwa horay u joogay oo kale.

Ciidamadan oo ka soo hor jeestay Mudo kordhintii sharci darada ahayd oo bishoo hore baarlamaanka u sameeyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa  u kala dhaqaaqay Sh.hoose iyo Sh.dhexe ayaa Waxaa kala hogaaminaa Col Saney Cabdule oo u dhaqaaqay Sh.dhexe iyo Col Liibaan madaxweyne oo u dhaqaaqay Gobolka Sh.hose oo uu awalba ka yimid.

Sidoo kale Laabashada Ciidamadan  ayaa timid kadib markii galabta Raisal wasaare Rooble  uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallau looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda.

Ciidamo kale oo wata ku dhawaad 10 gaadiidka dagaalka ah oo uu Wato Gudoomiye Jacfar iyo Ciidamo kale oo ay kala wataan Jeneraal indha cade iyo Jeneraal saadaq Joon ayaa u kala dhaqaaqay dayniile, Shirkole iyo Soona Tarabuunka oo uu Dagan yahay Musharax madaxweyne C/raxmaan C/shakuur kuwaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay ku laabtaan Xerooyinkii ay ka soo Baxeen.

Dhinaca kale Ciidamada ka soo baxay Sh.dhexe Ciidamo aan ahyn ayaa joogay aaga Mirinaayo kuwaas oo ayagana lagu wado in ay laabtaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post