696 Views

afar Mishiin oo ah kuwa neefta siiya dadka ee Oxygen oo ganacsato ka soo jeeda Galmudug ku Warejiyeen Dhusamareb.

afar Mishiin oo ah kuwa neefta siiya dadka  ee Oxygen oo ganacsato ka soo jeeda Galmudug  ku Warejiyeen Dhusamareb.
____________________________________________________________________________

February 23, 2021

 Agabkan Caafimaad oo ka kooban ilaa afar Mishiin oo ah kuwa neefta siiya bukaanada ay ku adkaato in ay helaan Oxygen ku filan, kana yimid ganacsato kasoo jeeda Galmudug oo ku deeqay in lagu caawiyo bukaanada wajahaya qatarta Caafimaad ee kajirta qaar ka mid ah Isbitaalada Gobolka Galgaduud , loonasoo wakiishey wareejintooda, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug Mudane Axmed Mirre Faafaale ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Maamulka Isbitaalka weyn ee Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan qaybtiisa la tacaalida Xaaladaha Covid-19.

Dr. Axmed Mahdi, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka oo u mahad celiyay Ganacsatada ku deeqday mishiinadan ayaa tilmaamey in baahida Isbitaalka ka jirto ay tahay mid baaxad leh oo u baahan in lagala qayb qaato sidii loo dabooli lahaa.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilaabadan lagu soo iibiyey Afartan Mishiin oo qayb ka ahaa gurmad ay sameeyeen ganacsato kasoo jeedo deegaanada Galmudug, ku sheegay in ay tahay mid kusoo aadey xili baahi weyn loo qabay helitaanka agabkan.

Agabkan caafimaad oo xiligan ka mid ah kuwa dalku ugu baahida badan yahay ayaa caawin doona bukaanada uu soo rito Xanuunka Covid-19 oo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay shaacisey in ay sii kordhayaan dadka laga helay saacadihii ugu dambeeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post