756 Views

Yuusuf Dabageed oo madaxda Hir-Shabeelle ku eedeeyey inay ku fashilmeen Amniga

Yuusuf Dabageed oo madaxda Hir-Shabeelle ku eedeeyey inay ku fashilmeen Amniga
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 22, 2019 | QOL |   –Gudoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabgeed) ayaa sheegay inay  faraha ka baxeen ammaanka deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana madaxda Maamulkaas ay dayaceen.

 

Waxaa uu sheegay inay xirmeen wadooynka soo gala jowhar,sidoo kalena Al-Shabaab ay wax ka yar 5km u jiraan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

 

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay Baladweyne,kadib markii uu kasoo laabtay Safar uu ugu maqnaa Turkiga ayuu sheegay in Afartii sano ee la soo dhaafay Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle ay ku fashilmeen waxka qabashada dhinaca Amniga.

 

“Waa nasiib darro in xaalada amni darro intaas la eg ay Hir-Shabeelle ka jirto madaxda hirshabelle ay ka amusaan,waxaan  dhihi karaa waa fashilmeen dadka Hir-Shabeelle xukunka haayo ayuu yiri” Yuusuf Dabageed.

 

Hadalka Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabgeed) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ay ka dhaceen weeraro dhowr ah,isla markaana ay ka go’een inay maraan Madaxda Hir-Shabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment