624 Views

Hogaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan Mullah Hibtollah “oo fagaaro ka soo muuqanayo”

Hogaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan Mullah Hibtollah “oo fagaaro ka soo muuqanayo”
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

Ilo wareedyoTaalibaan ah ayaa u sheegay laanta Pashto ee BBC -da in hoggaamiyahooda ugu sarreeya, Mullah Hibtollah Akhundzada, uu ku sugan yahay Qandahar oo uu dhowaan ka soo muuqan doono goob fagaare ah.

Mullah Hibtollah waa caalim diimeed ka soo jeeda Qandahar, waxa uu sannadkii 2016 -kii madax u noqday Talibanka Afghanistan.

Waxaa la rumeysan yahay inuu bedelay jihadii Taalibaan oo uu u horseeday xaaladda ay hadda ku sugan tahay.

Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Islaamiga ahaa ee ka soo horjeestay ciidamadii Ruushka ee Afqaanistaan ​​sanadihii 1980-maadki, hase yeeshee marka la eego sawirkiisa guud wuxuu u muuqdaa hoggaamiye diimeed marka loo eego taliye milateri.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa sidoo kale ka soo laabtay Kabul kuna soo noqday Kandahar.

Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa ka mid ah afarta nin ee aasaasay Daalibaan sannaka markuu ahaa 1994 -kii.

Dhowr hoggaamiye oo Taalibaan ka tirsan, oo uu ku jiro Mullah Baradar, oo dibad joog ahaa tan iyo markii Taliban ay qabsatay Kabul 15 -kii Ogosto, ayaa dib ugu laabtay Afghanistan.

Dhanka kale, afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in wadahadalo ay ka socdaan Afgaanistaan ​​si loo soo dhiso dowlad cusub, dhawaanna lagu dhawaaqi doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post