111 Views

Golaha Ammaanka oo mar kale dib u dhigay codbixin ku aadan Gaza

Golaha Ammaanka oo mar kale dib u dhigay codbixin ku aadan Gaza
____________________________________________________________________________

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u dhigay codeyn loo sameyn lahaa xal ku aadan gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo oo la geeyo Gaza ka dib maalin kale oo wadahadalo xooggan ah.

In ka badan 576,000 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza qiyaastii rubuc ka mid ah dadka ayaa wajahaya gaajo iyo macaluul masiibo ah, sida lagu ogaaday warbixin ay taageerto Qaramada.

Israa’iil waxay sii waddaa duqeymaha ay ku hayso Qaza, iyadoo khasaare intaas ka badan laga soo sheegayo xerada qaxootiga ee Rafah, Khan Younis iyo Nuseirat.

Dhinaca kale, Xamaas oo ah kooxda gacanta ku haysa marinka Qaza ayaa meesha ka saartay in la sii daayo lahaysteyaal kale ilaa ay Israa’iil ogolaaneyso in ay gabi ahaanba joojiso dagaalka gardarrada ah.

Waxaa weli socda dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu meel mariyo joojinta dagaalka.

Ugu yaraan 20,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Gaza. Dhimashada weerarka Xamaas ee Israa’iil ayaa mareysa ku dhawaad 1,140.

_____________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post