348 Views

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Warar ka imaanaya gobolka Galgaduud aya sheegaya Ciidamadda Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay la wareegay gacan ku heynta degaanka Budbud ee gobalka Galgaduud.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal  Cabdullahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka ay maanta degaankaas si buuxda ay ugala wareegeen Alshabaab .

Sidoo kale ‘ Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa deganka aya bilabay Hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga degaankas.

Hase ‘ahaatee’ Budbud ayaa ah degaan qurux badan kuna Wanaagsan dalxiiska, waa dhul Cagaaran oo uu biyo dhigay Roobka gu’a oo ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post