1086 Views

Natiijo hordhac oo ka soo baxday doorashadi madaxtinimada dalka Zambia

Natiijo hordhac oo ka soo baxday  doorashadi madaxtinimada dalka Zambia
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021 

Natiijo hordhac oo Sabtida maanta ah kasoo baxday doorashadi madaxtinimada dalka Zambia ayaa muujineysa inuu ku horreeyo hogaamiyaha mucaaridka Hakainde Hichilema.

Hichilema ayaa codadka ilaa iyo hadda la tiriyay ka helay 171,604, halka madaxweyne Edgar Lungu uu keenay 110,178, sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee uu soo saaray guddiga doorashada.


Natiijadaan ayaa ah codadka 15 degmo oo ka mid ah 156 degmo oo ay ka dhacday doorashada madaxtinimada Zambiya dhawaan. Sidoo kale zoonkaas ayaa ah halka ay ku badanyihiin taageerayaasha madaxweyne Lungu.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasdda dalkaani dhaca koofurta Africa ee Zambiya ayaa sheegaya, in natiijadani hordhaca ah ay calaamad u tahay in degmooyinka dhimanna ay u badantahay inuu ku cod bato hogaamiyaha mucaaridka Hakainde Hichilema.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post