1380 Views

Guddiga madaxa-bannaan la-dagaalanka musuq maasuqa oo ka hadlay doorashoyinka dalka.

Guddiga madaxa-bannaan la-dagaalanka musuq maasuqa oo ka hadlay   doorashoyinka dalka.
____________________________________________________________________________

 

Isniin June 21 2021

 

Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku cadeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan. “inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.”

“Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo kadib doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka guddiga ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.”

https://5cb698908ad122d38b30ce00f15bc9da.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Sidoo kale Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, “Waxaa naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post