1440 Views

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ku hanajbay inay ka baxayaan Baarlamaanka, haddii Somaliland

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ku hanajbay inay ka baxayaan Baarlamaanka, haddii Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 03, 2019 –Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa cabasho ka keenay arrimaha Dastuurka oo weli howshiisa socoto, kaasoo maanta lagu soo bandhigay fadhigii Baarlamaanka, isagoo dalbaday in loo caddeeyo in Dastuurka yahay mid Soomaaliyeed ama mid ku eg Koofurta Soomaaliya

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee ku matala Baarlamaanka ay yihiin saddex meel meel, isla markaana aanay jirin caqabada ka weyn maqnaanshaha Somaliland.

“Waxaan cabasho ka muujineynaa dastuurka shaqadiisa socota, halkeen ka soo galnee, hanaloo caddeeyo dastuurka ma Koofur baa mise Waqooyi”ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland aanay aheyn shaqo doon, isla markaana ay u joogaan Muqdisho mideynta Soomaaliya, isagoo ku hanjabay in haddii dadka reer Somaliland aanay keeni karin ay diyaar u yihiin inay ka baxaan Baarlamaanka iyo hey’adaha kale ee dowladda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay meel xun marayaan, isla markaana loo baahan yahay haddii wada hadaladaas masiirkooda la rabo inay qeyb ka noqdaan, maadaama ay matalaan Somaliland sida uu yiri.

“Waxaan dooneynaa in Baarlamaanka lasoo dhax-dhigo arinta wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland,Dastuurka la sheegayana hala-caddeeyo ma Koofur kaliyaa,maamulada kale markii arin laga rabo waxaa loo diraa dadka matala,anaga haddii nala ka tillaabo ogaada waan ka baxaynaa Baarlamaanka,Xukuumadda iyo hay’adaha kale”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment