1308 Views

Madaxweynaha Puntland Oo Safarkiisii Ugu Horreeyay Ugu Ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Oo Safarkiisii Ugu Horreeyay Ugu Ambabaxay Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta safarkii ugu horeeyay ugu ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa socdaalka Imaaraadka ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa,isla markaana waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusii sagootiyay Madaxda sare ee maamulkaas

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland markii uu gaaro dalka Imaaradka Carabta uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalkaas,isagoona kala hadli doona arrimo ay kamid yihiin taageerida Puntland ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Saciid deni Imaaraadka Carabta  uu kaga soo gudbi doono dalka Shiinaha.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Puntland ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada maamulka Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment