309 Views

Baroor-diiq loo sameynayo 40 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Senegal

Baroor-diiq loo sameynayo 40 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Senegal
____________________________________________________________________________

Axad: January 8th, 2023 

Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah, ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo ay ku dhinteen 40 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa aroortii hore ee saaka ka dhacay waddada isku xirta Kaffrine iyo Touba ee marta bartamaha dalka Senegal.

Mr Sall wuxuu sheegay in saraakiisha ay kulan yeelan doonaan Isniinta si loo qaado tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo ammaanka waddooyinka.

Shilalka gaadiidka ayaa ku badan dalka Senegal basle kani wuxuu ahaa shilkii ugu dambeeyay ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post