897 Views

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo wacad ku maray inuu dhisi doono “ciidan ili ma qabatay ah

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo  wacad ku maray inuu dhisi doono “ciidan ili ma qabatay ah
____________________________________________________________________________


Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa wacad ku maray inuu dhisi doono “ciidan ili ma qabatay ah” oo ka hortagaya siyaasadaha colayntinka ah ee Maraykanka kaga imanaya dalkiisa, sidaana waxa ku warantay warbaahinta dawaladda.

Kim Jong-un ayaa intaa ku daray in samaysashada hubku tahay is difaacid ee aanay ahayd mid dagaal.

Kim ayaa hadalkan ka jeediyey fagaare dhoola tus gaashaan dhig ah isaga oo dhex taagan dhawr gantaal oo ku wada ridada dheer ah. 

Kuuriyada Woqooyi waxay dhawaan tijaabisay waxay ku sheegtay inuu yahay gantaal casri ah oo kuwa lidka diyaaradaha ah.

Isla makraa waxay iyadna tijaabooyin door ah waday Kuuriyada Koonfureed.

Khudbad uu ka jeediyey shir gaashaan dhigga ah oo lagu qabtay Pyongyang 2021, halkaas oo lagu soo badhigay qalab milatari oo ay ku jiraan kaareyaal iyo gantaallo kale, ayaa Kim waxa uu kaga hadlay kobcinta kartida milatari ee Kuuriyada Koonfureed oo wuxuu sheegay in Kuuriyada Woqooyi aanay doonayn in ay la dagaalantayo dalkaa ay jaarka yihiin.

“Mar dambe ka hadli mayno dagaal aanu cidna la galno, laakiin waxaanu ka gaashaamanaynaa dagaalka oo kordhinta hubkuna waa ka hor tag dagaal oo qarankayaga ayaanu ilaalinaynaa” ayuu yidhi.

Kim waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Maraykanka inuu xiisad ka dhex hurinayo Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfured.

Wuxuu intaa ku daray oo yidhi in aanay jirin “sabab akhlaaqi ahi” oo Kuuriyada Woqooyi ku qancin karta in Maraykanku aanu cadawgeeda ahayn.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ku celceliyey in Maraykanku diyaar u yahay inuu wadaxaajood la yeesho Kuuriyada Woqooyi, laakiin wuxuu ku tirtirsiyey Pyongyang in ay marka hore baabiiso hubkeeda nukliyeerka intaan cunqabataynta laga qaadin. Kuuriyada Woqooyi way beenisay in ay haatan u diyaar tahay.

Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Kuuriyada Woqooyi in ay samayso tijaabooyinka nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer. Waxay dhawr jeer ku xadgudubtay qaraarkaas natiijadiina waxay noqotay in si ba’an loo xayiro.

Bishii hore ayaa wakaaladda Qaramada Midoobay u qaabilsan nukliyeerku sheegtay in Kuuriyada Woqooyi la moodo in ay bilowday qorshaha ay ku samaynayso maadada Plutonium ee loo adeegsado hubka nukliyeerka waxaanay arintaa ku tilaaman fal “aad u walaac leh”.

Kuuriyada Woqooyi had iyo goor waxay sheegtaa in ay u baahan tahay in ay wado kobcinta hubka nukliyeerka si ay isugu difaacdo.

Laakiin dadka arimaha la socda ayaa sidoo kale sheegay in ay arintaasi u tahay wax ay ku midayso qaranka saboolka ah. Kuuriyada Woqooyi waxa la rumaysan yahay in ay ku jirto duruufo adag oo dhaqaale ka dib markii ay saraakiishu xidheen xuduudaha dalkaas si looga hor tago fiditaanka Covid-19.

Badeecadaha aasaasiga ah sida cuntada iyo shidaalka ayaa uga yimaad Shiinaha oo ah dalka ugu weyn ee ay xulufada yihiin siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba oo xadkiisa ka xidhay.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post