708 Views

Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland Diiwaan gilintooda oo maanta soo Dhamaaneysa

Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland Diiwaan gilintooda oo maanta soo Dhamaaneysa
____________________________________________________________________________


Sabti: September 25, 2021

 Diwaangalinta Musharaxiinta u taagan Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee dalka ayaa lagu waddaa in maanta lasoo gabagabeeyo ka dibna maalinta berri loo gudbo tababarada ergada soo dooranaysa xildhibaanada Aqalka Sare.

Diwaangalinta ayaa bilaabatay maalintii khamiista aheyd , waxaana guddiga ay sheegeen in ay dardar galin doonaan hanaanka doorashada Aqalka Sare.

Jadwalka ayaa waxaa ku qoran in ay doorashada bilaaban doonto 28ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada  ee soo socota waxayna doorashada ku eg tahay 30ka bishan September 2021.

Doorashadaan ayaa waxaa si wadajir ah u maamulaya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , waxaana kor kala socda Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post