8757 Views

Soonka maalinta Caashuuraa iyo sirta ku jirta

Soonka maalinta Caashuuraa iyo sirta ku jirta
____________________________________________________________________________

DUULIYE ASLI XASAN CABAADE “CALANSIDA” OO INA XUSUUSINEYSA MAALMAHA “CAASHUURAA” OO AY BARRITO KU BEEGANTAHAY OO KHAMIIS AH, BISHUNA TAHAY (OCT. 22, 2015) 

Maalmaha Ilaahay s.w.t. ee billowga sannadka Hijriyada ee Ilaahay s.w.t. barakeeyay, waxaa kamid ah Maalinta Sagaalaad iyo Tobnaadba (Yawmul-Caashuuraa) ee Bisha Muxarram (Bisha koowaad ee sannadka Hijriyada), waana Maalin la soomo waana sunnah. Qofkii soomaana, sannad ayaa loo dambi dhaafaa, maashaa’ Allaah, Ilaahayoow kuwii loo dambi dhaafo naga yeel, aamiin.

Maalintan Caashuuraa waxay iska leedahay Taariikhda waxyaabo lagu xasuusto oo waliba macnayaal wayn ku fadhiya, waxaana ka mid ah:-

1- Waa Maalintii Aadam (c.s.) iyo Xaawa’ ay towbad keeneen oo Ilaahay (s.w.t.) u dambi dhaafay, oo ay yidhaahdeen sida Kitaabka Ilaahay s.w.t. ku xusan sidaan:

(Rabbigayagoow waxaan dulminnay naftayada haddaadan inoo danbi dhaafin, oo aadan inoo naxariisan, waa hubaal in aynu noqoneyno kuwa khasaaray) eeg Aayadda 23 aad ee Al-Acraaf.

Sidoo kale waa Maalintii Nabi Aadam (c.s.) dhulka lasoo dajiyey oo la keenay, isaga iyo Xaawa.

2- Waa Maalintii Nabi Nux (c.s.) uu Ilaahay (s.w.t.) ku badbaadshey isaga iyo inta rumeysay, intii kalena uu Ilaahay (s.w.t.) biyaha ku Hadhqiyay.

3- Waa Maalintii Nabi Muuse (c.s.) isaga iyo qawmkiisa Ilaahay (s.w.t.) badbaadiyay, Fircawn iyo qawmkiisiina uu Ilaahay (s.w.t.) halligay uu biyahana ku Hadhqiyay.

4- Waa Maalintii uu Rasuulkii Yoonis bin Mataa (c.s.) Ilaahay (s.w.t.) badbaadiyay, isagoo ku sugan Badda gunteeda iyo waliba caloosha Nibiriga, markii uu Ilaahay (s.w.t.) baryay oo uu yidhi:

sida ku xusan Kitaabka Eebbe (s.w.t.) sidaan:

(Ilaahoow Ilaah aan Adiga ahayn ma-jiro, Adaa Wayn, Aniguna waxaan ahaaday kuwa naftooda dulmiyay), bal eeg waa Rasuul haddana Ilaahay (s.w.t.) buu dambi-dhaaf waydiisanayaa. Yoonis (c.s.) Nibiri baa liqay, oo uu saddex maalin calooshiisa ku jiray, oo Ilaahay (s.w.t.) ku baryaayay mugdiga caloosha, ducada ka dib, baa Ilaahay (s.w.t.) amray Nibirigii in uu soo tufo, marka Maalintaa Caashuuraa bey iyadana ahayd.

5- Waa Maalintii uu Ilaahay (s.w.t.) Nabi Sulaymaan siiyay mulkiga wayn iyo Boqortooyada.

6- Waa Maalintii uu Nabi Ayuub (c.s.) oogadiisa ama jidhkiisa dhibka Ilaahay (s.w.t.) ka qaaday, iyadana Maalinta Caashuuraa ayey ahayd, markii uu sabur iyo Ilaahay (s.w.t.) baryadiisa la yimid.

7- Waa Maalintii uu dhacay gazwadii (dagaalkii) loo baxshey Daata Ruqaac, ee Ilaahay (s.w.t.) badbaadiyay Nabi Muxammad (c.s.w.) iyo Asxaabtiisa, gaaladana Ilaahay (s.w.t.) Rucbi quluubtooda ku tuuray.

8- Waa Maalitii uu shahiiday Imaam Xusayn bin Cali, waxayna ahayd dhacdo xanuun badan, oo soo wajahday Muslimiinta Caalamka, meesha lagu dilayna waxa’ay ahayd Karbala, Maalin Jimca ah oo ku beegnayd Tobanka Muxarram, sannadkii 61 aad ee Hijriyada.

Dhammaan dhacdooyinkaas waxaa’ay wada ahaayeen, sida Culimada Islaamka inoo sheegeen  dhacdooyin dhacay Maalinta tobnaad ee bisha Muxarram (Yawmul-Caashuuraa). Waxaana ay wada ahaayeen nimcoyinkaas, kuwo lagu mahadiyay Ilaahay (s.w.t.), marka laga reebo dhacdadii Imaam Xusayn, oo iyadu murugo reebtay, Maalintaas iyada ah waxaa la badiyaa ducada, oo Ilaahay (s.w.t.) dambi-dhaaf badan la waydiistaa, Qur’aanka akhriskiisana la badiyaa, in bandanna Ilaahay (s.w.t.) loo

mahadnaqaa.

Axaadiithta ku soo aroortay Maalinta Caashuuraa.

1- Waxaa uu soo saaray Muslim xadiith uu soo wariyay Abuu-Hureyra (r.c.) in Nabigu (c.s.w.) yidhi sidaan: (Soonka ugu fadli badan bisha Ramadaan ka dib, waa bisha Ilaahay (s.w.t.) ee lagu magacaabo Muxarram, Salaadahana midda ugu fadliga badan Salaadda Faradka ka dib, waa Salaadda laylka, ama habeenka la tukado (Habeenkii Saqda Dhexe). Ogaada waxa laga hadlayaa waa Bil, laakiin Maalmaha ikhtiyaariga loo soomaa ayaa ah kuwo fadli badan, sida Maalinta Carafaad ama Tobanka Dul-Xajj, ama Lixda maalmood ee Shawaal.

2- Waxaa ku xusan saxiixeynka, in Ibn Cabbaas uu yidhi sidaan:

(Rasuulkii Ilaahay (c.s.w.) ayaa yimid Madiina, markaasuu la kulmay Yuhuudda oo sooman maalinta Caashuuraa, markaasuu Rasuulkii Ilaahay (c.s.w.) iyagii ku yidhi: Waa maxay soonkan aad idinku sooman tihiin? markaa bey ku yidhaahdeen: waxa’ ay inoo tahay maanta Maalin wayn, waana maalintii uu Ilaahay (s.w.t.) badbaadiyay Muuse (c.s.) iyo qawmkiisa, uuna Ilaahay (s.w.t.) ka badbaadiyay Fircawn.

Fircawn iyo qawmkiisiina Ilaahay (s.w.t.) Hadhqiyay, Muusana c.s. uu markaas soomay isaga oo Ilaahay (s.w.t.) badbaadintaa ku mahadinaaya, saas baana annaguna u soomannahay, markaasuu Rasuulkii Allana (c.s.w.) ku yidhi iyagii: (Annagaa idinka mudan Muuse (c.s.), idiin kagana xaq leh idinka), macnaha sawmkaas aad sooman tihiin, annagaa idinkaga mudan weeye macnaha.

Ogaada Nabiga (c.s.w.), ma’ uusan odhan: waan idinkaga dayaneynaa, bal eeg Odhaahda ah (Annagaa taa idinka, idinkaga mudan, waana hadal macna- wayni ku qotoma.

3- Isla saxiixaynka waxaa ku xusan, in Nabigu (c.s.w.) yidhi sidaan: (Maalinkaan isaga ah ee Maalinta Caashuuraa Ilaahay (s.w.t.) idiinma qorin si waajib ku ah korkiinna Sawmkeeda, qofkii doona ha soomo, kii doonaana ha’ afuro).

Haddaba Barrito oo Maalin Khamiis ah, ayaana ah Bisha Muxarram 9 keeda iyo 10 keeda oo kala ah: Khamiista iyo Jimcaha, taariikhda caadigana tahay (Oct. 22, 2015) iyo Jimcaha (Oct. 23, 2015), ayaa ah “Maalmaha Caashuuraa“, waana waajib inaannu soonno, ruuxii kari karaaya bishan khayrka badan ee Muxarram Sagaalkeeda iyo Tobankeedaba, waana Sawmka ugu Fadliga badan Bisha Ramadaan ka dib.

.

Wa Billaahi Tawfiiq

aslicalansida@hotmail.com 

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment