2520 Views

RW Khayre oo maanta booqday ciidamo hor leh oo loo diyaariyey sugida Amaanka Caasimada

RW Khayre oo maanta booqday ciidamo hor leh oo loo diyaariyey sugida Amaanka Caasimada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre,Wasiir Kuxigeenka Amniga Taliyayaasha Nisa iyo Asluubta iyo Duqa Muqdisho ayaa galinkii dambe ee Isniintii Maanta waxa ay kormeer ku tageen Xarunta dhexe ee Xisbiga halkaas oo lagu soo bandhigay 3-guuto oo kamid ah Ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay Sugida Amaanka Caasimadda Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadan loo soo xulay xasilinta Amaanka Caasimada Muqdisho,si looga hortago falalka amnidarro ee mararka qaar ka dhaca Degmooyinka Caasimadda.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/naasir Saciid Muuse ayaa kahadlay qorshaha xukuumada ee Ciidamadan iminka Xasilinta Caasimada loo diyaariyay.waxa uuna sheegay in hay’addaha amnigu ay ka Sahqeeyeen diyaarinta Ciidamada kuwaas oo xaqiijin doona amniga Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Ra”iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa la hadlay Ciidamada,waxaana hadalkiisa u badnaa baraarujin la xiriirta in Ciidanka ay mas’uuliyad iska saaraan Sugida Amniga Muqdisho.

Xukuumada Federalka ayaa qorsheeneysa in Ciidamada iminka loo diyaariyay xasilinta amaanka Caasimada ay dardargalinayaan howlooda la xiriira amni soo celinta,saraakiisha ayaana ku rajaweyn in ciidamadana ay ku guuleystaan howshaas loo igmaday.

rw-khayre-ciidamda-13 rw-khayre-ciidamda-12 rw-khayre-ciidamda-11 rw-khayre-ciidamda-10 rw-khayre-ciidamda-9 rw-khayre-ciidamda-8 rw-khayre-ciidamda-7 rw-khayre-ciidamda-6 rw-khayre-ciidamda-5 rw-khayre-ciidamda-4 rw-khayre-ciidamda-3 rw-khayre-ciidamda-2 rw-khayre-ciidamda-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment