867 Views

Amxaarada oo ugga digay jabhadda TPLF iney weerar ku qaadaan gobolka Amxaarada

Amxaarada oo  ugga digay jabhadda TPLF iney weerar ku qaadaan gobolka Amxaarada
____________________________________________________________________________

\Arbaco: June 30 2021

Xisbiga talada haya ee PP dalka Itoobiya qeybtiisa Amxaarada, ayaa ugga digay jabhadda TPLF iney weerar ku qaadaan gobolka Amxaarada, ka gadaal markii madaxda mucaaradka ay shaley soo saareen hanjabaad.

Warbixin ay soo saareen xubnaha katirsan xisbiga talada haya, ayey ku sheegeen inaaney dooneyn dagaal iyo aar gudasho, balse waxey ka digeen in haddii lasoo weeraro inaaney gacmaha laaban doonin.

Ciidamada Amxaarada ayaa haatan kusugan qeybo kamid ah dhanka galbeed ee xuduudda ay la wadaagaan gobolka Tigray, taasoo ay in muda ah isku heystaan labadan qawmiyad maamulladooda.

Ciidanka Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamayey ciidamada dowladda federaalka Itoobiya dagaalka ka socday gobolka Tigreega, kaasoo qarxey 4-tii bishii November, ee sanadkii hore ee 2021-ka.

Ciidamada TPLF ayaa ku garaacey gantaallo xarunta gobolka Amxaarada, Bahar Dar, markii uu bilawde isku dhaca maamulka Tigray iyo dowladda federaalka Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbadey ciidamada Amxaarada iyo kuwa Eritrean-ka iney isaga baxaan gobolka Tigray, kuwaasoo lagu eedeeyey xadgudubyo la xiriira isir sifeyn. Dowladda Itoobiya way iska fogeysay eedeymahaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post