1164 Views

Beesha Caalamka oo caawa Xalane kulan kula yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Beesha Caalamka oo  caawa  Xalane kulan kula yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
____________________________________________________________________________

April 7-4-2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu halkaas ka dhacay kulan u dhaxeeya Wakiillada Beesha Caalamka iyo  Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada taabacsan dowladda federaalka ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in Beesha caalamka ay kala hadleen sadaxdaas maamul in la sii wado shirkii mnaanta ay dowlada Somaliya ay sheegteen in uu fashilmay shirkii ka socday Teendhada Afisyooni.

Ilo ku dhaw shirka caawa dhex-maray xubnaha beesha caalamka iyo madaxda maamullada taabacsan dowladda federaalka ayaa  sheegaya in beesha caalamku ay culeys ku saartay madaxda seddaxda maamul goboleed in aysan shirka ka bixin, maadaama ay mar kasta u hoggaansamaan go’aanka uu qaato Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa haatan bilaawday dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in shirarka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii socdaan, illa xal laga gaaro khillaafka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Labada dhinac ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka dhamba uu dhex yaallo ayaa hadda midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu fashiliyey wadahadalladii Afisyooni ee gogol xaarka u ahaa shirweynaha wadatashiga.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post