858 Views

Wararkii ugu dambeeyay kulamada ka socda Madaxtooyada ee arimaha doorashooyinka

Wararkii ugu dambeeyay kulamada ka socda Madaxtooyada ee arimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 1, |  2020
—Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulamo ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya  ayaa waxaa ay ku heshiiyeen xilliga la qabanayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Wararka laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda ay ku heshiiyeen in Kursiga ugu horeyo ee Doorashada Barlamaanka Aqalka sare oo la doorto 15 October ilaa 25 November 2020,halka la isku raacay in doorashada Kuraasta Gollaha Shacabka ay dhacdo 15 November ilaa 15 January.

Sidoo kale xogaha la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceyso 8 Bisha Febaraayo 2021,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeystay in waqtigeeda aysan dhaafin doorashada.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay inyaasi ku darayaan in Guddiga farsamada ee Doorashooyinka heer Federal iyo Dowlad Gobaleed oo lagu heshiiyay, isla markaana dhawaan la soo magacaabi doono.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post