741 Views

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo Goor dhaw hor tagaya Golaha shacabka

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo Goor dhaw hor tagaya Golaha shacabka
____________________________________________________________________________

May 1-2021

Madaxweyne waqtigiisa dhamaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu goor dhaw hortago Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu kala hadli doono muddo kordhintii bartamihii bishan ee labada sano ahayd.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay shacabka, 28-kii bishan Abriil, wuxuu sheegay in Golaha Shacabka uu kula noqonayo arrinta, ka dib khilaaf iyo rabshado ka dhacay Muqdisho oo sababay barakac.

Wuxuu yiri madaxweyne Farmaaji: “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Dhanka kale Golaha midowga Musharaxiinta madaxwaynanimada ayaa waxay uga digeen xildhibaanada golaha shacabka inay ku dhaqaaqaan tallaabooyiin wax looogu dhimayo geedi socodka Doorashooyiinka dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post