7752 Views

Muungaab oo cunaqabatayn iyo xiyiraad la saaray

Muungaab oo cunaqabatayn iyo xiyiraad la saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 29 2015- Warar aan helnay sheegayaa in Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen Muungaab la dul dhigay xayiraad guud oo dhanka dhaqaalaha ah illaa iyo amar danbe.

Gudoomiye Muungaab ayaa laga joojiyay lacago uu doonaayay in uu kala baxo Sanduuqa Gobalka Banaadir waxaana lagu ogeeysiiyay in wax kasta laga hormarinayo xisaab celin sax ah.

Dhammaan xafiisyada maamulka Gobalka Banaadir ayaanan shaqeneyn maalintii sedexaad waxaan dhammaantood lagu amray in aysan wax howl ah qaban karin illaa uu gudoomiyaga cusub xilkiisa toos u qaban doono.

Xafiiska lacagaha maamulka Gobalka ayaa hakad ku jira iyo sidoo kale lacagihii laga qaadayay guryaha ee la doonaayay in lagu dhiso wadadda Maka Al-Mukarama.

Dad ku dhaw dhaw Muungaab yaa waxa ay sheegeen in uu hadda la baxay lacago badan kuwaasi oo ku shubtay meelo kale waxaana hadda la soo sheegayaa in wixi uu qaadan lahaa uu mar hore uu xareeystay oo Qasnada Gobolka an la geeynin.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment