1167 Views

Ciidamadii la socday shekh shaakir ee ka soo jeeday C/waaq oo ka baxay magaalada Guriceel kadib markii la dilay askari

Ciidamadii la socday shekh shaakir ee ka soo jeeday C/waaq oo ka baxay magaalada Guriceel kadib markii la dilay askari
____________________________________________________________________________



Khamiis: October 14, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Guriceel ee xarunta ganacsiga Gobolka galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada beesha Mareexaan ee la socday Ahlusunna ay ka baxeen magaaladas galabta Gabaldhicii..

Ciidamadaan ka baxay magaalada ayaa la sheegay in ay timid kadib nin ka soo jeeda beeshaas xalay lagu dilay Duleedka magaalada Guriceel, taasi oo dhalisay shaki soo kala dhex galay Ciidamadii Ahlusunna.

Askarigaan xalay la dilay oo ka soo jeeda magaalada C/waaq ayaa la sheegay in uu dilay askari kale oo ka soo jeeda Guriceel.

Sidoo kale Ciidamada  ka soo jeeda C/waaq oo la sheegay in ay wateen ku dhawaad 2 gaari oo tikniko ah, ayaa la sheegay in ay galabta gabaldhicii iskaga baxeen magaalada Guriceel, waxaana la sheegay sidoo kale in la qabtay askarigii dilay xalay askariga kale.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post