588 Views

DFS oo Ururka Jaamacada Carabta ka dalbatay wax ka qabashada xaaladda abaaraha.

DFS oo Ururka Jaamacada Carabta ka dalbatay wax ka qabashada xaaladda abaaraha.
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 9, 2022

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ka taageeridda dalkiisa wax ka qabashada abaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd siyaabaha ay wadamada carbeed uga taageeri lahaayeen Soomaaliya wax ka qabashada xaaladda daran ee abaaraha ee ka jira dalka iyo sidoo kale doorashooyinka socda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo wafdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa beri oo Arbaco ah kaga qeybgali doona Magaalada Qaahira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa caadiga ah ee 157aad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post