900 Views

Waare oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya

Waare oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-05-2020Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada muqdisho kula Kumay qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Hir-Shabeelle,iyaga oo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Xaaladda Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur, Wasiir ku Xigeenka Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo, waxaana ay iska xog wareysteen Madaxweynaha Iyo Wasiiradaas Xaaladda Siyaasadeed, Midda amni, iyo Tan Bulsho ee Hirshabelle, iyo Horumarinta Guud ahaan Deegaannada Maamulkaas.

Sidoo kale Kulanka Waxaa Madaxweyne Waare Ku Wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen Geedi, iyo Wasiirada Madaxtooyada, Amniga, iyo Dib u Heshiisiinta Hirshabelle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post