627 Views

5 ruux oo ku dhimatay dagaal saakay waabarigii ay xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellaha

5 ruux oo ku dhimatay dagaal saakay waabarigii ay xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellaha
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 30, 2021

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaal saakay waabarigii ay xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe sida sarkaal ka tirsan maamulka degmada uu u sheegay Shabakadda Dayniile.

5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca 3 ruux oo kale ayaa ka dhashay dagaalka waxaana haatan magaaladda howlgalo ka wado ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo gurmad ahaan u tagay degmada Balcad iyo ciidanka AMISOM.

Sidoo kale waxaa magaaladda dib ugu soo laabtay ciidamo boolis ah oo magaalada ka firxaday markii dagaalku bilaawday waxa ayna hada dib ula wareegeen saldhiga booliska.

Al Shabaab ayaa ka baxay degmada Balcad ka dib markii saakay waabarigii la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee magaaladda sida xuranta degmada, taliska Booliska iyo xarumo kale sida ay dadka deegaanka u sheegeen Mustaqbal Media.

Weerar culus oo dhowr jiho ah ayay Al Shabaab u suurta gashay in ay la wareegeen inta badan 5-ta Xaafadood ee degmada Balcad.

“Khasaare soo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamay ayaa jira balse wali tiro koob rasmi ah laguma samay” ayuu Mustaqbal u sheegay sarkaal caafimaad oo diiday in aan xigano magaciisa maadaama uu ka cabsanayo aargoosi.

Ciidamada dowladda ayaa difaac ka galay buundada magaalada Balcad halkaa oo dagaal xooggiisu ka dhacay sida ay Mustaqbal u sheegeen dadka degaanka.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen agab uu lahaa maamulka degmada iyo gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa yimid iyadoo inta badan ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmada Balcad ay ku sugan yihiin caasimada dalka ee Muqdisho kadib xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa madaxda u sareysa dalka.

Degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle. Waxay qiyaastii 37 kiiloomitir waqooyi-bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post