654 Views

Roobab mahiiggaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Nugaal

Roobab mahiiggaan ah oo  saacadihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Nugaal
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Roobab mahiiggaan ah, ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Nugaal, oo abaar iyo kulayl darani ka jiray.

Roobabka ayaa ka da’ay dhul ballaaran oo ka tirsan Hawdka Gobolka Nugaal, islamarkaana dhinaca koonfurta kaga beegan magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Roobka ayaa maaruqay degaannada dhanka bari ka xiga caasimadda Garoowe, waxaana la sheegay in uu daadad xooggan ka sii daayay dooxooyin ka tirsan degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl.

Sidoo kale Waxa xusid mudan, in Roobabka Gu’ga aysan gaarsiisnayn magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda, halka Gobolka intiisa badan uu roobanyahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post