1380 Views

Akhriso:-Qodobada looga hadli doono Kulanka Maanta ee Aqalka Sare

Akhriso:-Qodobada looga hadli doono Kulanka Maanta ee Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah inay yeeshaan Kulankoodii caadiga ahaa kaas oo ah  kulanka 1aad kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyada oo Magalada Dooxa ee dalka Qatar uu ku maqan yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare.

Ajendayaasha muhiimka ah ee Aqalka Sare horyaalla oo ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah Sharciga xaqsiinta Ciidamada iyo hindise Sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u meel mariyeen hindise sharciyeedyo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment