1587 Views

Musaveni oo markale ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Uganda

Musaveni oo markale ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2021—Guddiga doorashada Uganda ayaa ku dhawaaqay madaxweynaha hadda xilka haya Yoweri Museveni in  uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha, taasi oo ka dhigeysa in majaraha 35 sano jirsaday halkiisa kasiii hayo, ninka sida weyn ula tartamayay ayaa ku eedeeyay wax isdabamarin.

Museveni wuxuu ku guuleystay 5.85 milyan oo cod oo dhiganta 58.64% wadarta guud, halka musharraxa ugu weyn mucaaradka Bobi Wine uu ku guuleystay 3.48 milyan oo cod oo u dhiganta 34.83%, sidaa uu sheegay guddiga doorashada oo shir jaraa’id telefishanka kasii daayay.

Wine oo 38-jir ah, ayaa ku booriyay dhalinyarada reer Ugandha baaqyadiisa ku aadan isbadalka siyaasadeed wuxuuna balan qaaday in uu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray kalitalisnimada iyo musuqmaasuqa baahsan, wuxuuna ku booriyay shacabka in ay diidaan natiijad.

Dowlada ayaa lagu eedeeyay in hawada ka saartay internetkii, iyada oo faraha iskula tageen goobaha cod bixinta qaar shacabka iyo ciidanka Booliska.

Wine, oo ah fannaaniin isu beddelay siyaasi ayaa sheegay jimcihii in uu hayo caddeyn fiidiyoow ah oo ku saabsan musuqmaasuqa codbixinta, isla markaana uu la wadaagi doono shacabka dalkiisa.

Ciidamada amaanka ayaa isku weer ballaaran ku sameeyay agagaarka xarunta Wine, waxayna u sheegeen saxafiyiinta caalamiga ah in aan loo ogoleyn in ay galaan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post