807 Views

Liiska Baasaboorada ugu wanaagsan dunida oo la shaaciyay, Soomaaliya kaalintee ku jirtaa?

Liiska Baasaboorada ugu wanaagsan dunida oo la shaaciyay, Soomaaliya kaalintee ku jirtaa?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–Warbixin ay soo saartay CNN ayaa lagu soo bandhigay liiska Baasaboorada ugu wanaagsan Caalamka,waxaana liiskaasi ku jira Soomaaliya oo wadamo dhowr ah kaga wanaagsan dhinaca baasaboorka.

Baasaboorka sannadkan kaalinta koowaad ku jira waa baasaboorka dalka Japan, kaalinta labaad waxaa ku jira Singapore saddexaadna waxaa ku wada jira Jarmalka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Liiska ayaa lagu soo bandhigay isbarbardhig ku saleysan inta dal ee baasaboorka lagu geli karo iyadoo aan horay loo sii qaadan dal-kugal ama fiiso,waxaana wadamada ugu horreeya kamid ah wadanka Finland oo haatan kaalinta afaraad kula jira Talyaaniga, Spain iyo Luxemburg,waxaana baasaboorka Finland, iyadoo aan horay fiiso loo sii qaadan lagu geli karaa sida ku cad liiska 188 dal.

Sidoo kale liiska la soo bandhigay waxaa ku jira dalka Soomaaliya oo baasaboorkiisa lagu geli karo 33 dal,waxaana booskaasi kula jira wadanka ay dagaalada hareeyeen ee Yemen,sida ku xusan Warbixinta.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay inay jiraan dalal uu kaga jiro kaalinta ugu wanaagsan dunida oo ay kamid yihiin dalalka Pakistaan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post